Taariikh Dhamaystiran oo ku saabsan somaliland

Somaliland (Af-Carabi: أرض الصومال) sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyada Soomaaliland, waa dowlad iyadu iskeed isku magacaawdey oo ku taala Geeska Afrika. Somaaliland waxay xad la leedahay JabuutiItoobiya iyo maamulka kale ee Puntland. Somaliland waxey kamid aheyd dhulkii soomaalida ee Ingiriisku gumaysan jirey, waxeyna xornimadda qaadatey Juun 26 1960 afar maalmood ka dibna waxay la midowday Soomaliya oo Talyaanigu guumeysan. magaalada wa HargaysaCabdiraxmaan Axmed Cali Tuur oo ahaan jirey hogaamiyihii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliyeed SNM, ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynahii ugu horeeyay ee Somaliland. Waxaa ku xigey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaaloo noqdey Madaxweynihii Labaad ee Somaliland, waxaana ka danbeeyay Daahir Rayaale Kaahin. Aminkan lajoogo waxa madaxwayne u ah siilaanyo.Somaliland waxaa ka jira saddex xisbi siyaasadeed sida KulmiyeWadani iyo UCID.

Qoraalka gudaha oo kooban

  [qari

Taariikhda

Somaliland waa magac aad ucusub marka la eego taariikhda uu wadankani leeyahay jamhuuriyada somaliland waxaa horay loogu magacaabijiray dhulkii uduga iyo cadarka iyo bukhuurka ama uduga waa sida ay u yaqaaneen masaaridii horee. halka giriigii hore ay u yaqaaneen dhulkii berbera waa halka uu kasoo jeedo magaca berbera xiligii muslimka amaba qarniyadii uu muslimku soo gaadhay somaliland waxa looyaqaanay dhulkii saylac ugu danbayntii xiligan aan joogno waxa lagu magacaabaa somaliland.

Taariikhda iyo 18 may 1991

In ka badan 10 sano oo halgan hubaysan oo ay hogaaminayeen xoogagii jabhaddii SNM ka dib, waxay waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo hormuudka qabaa’ilka iyo bulshada Somaliland ku heshiiyeen 18kii May in ay la soo noqdaan xorriyadii luntay 26kii June 1960.
18ka May waa maalin ku suntan taariikhda Somaliland. Waa maalin jiilashii hore u ah xusuus, jiilasha danbena dhiirigelin iyo rajo. Waa maalin ay ka badbaaday Somaliland inay
ku dhacdo god madow. Waa maalin mudan in dib loo xasuusto taariikhdii madoobayd ee halgankii, rafaadkii, barakacii, iyo baa’bii ku dhacay bulshada Somaliland. Waa maalin mudan in la xasuusto kumanyaalkii halyey ee u duurgalay inay dulliga ka dulqaadaan shacabkooda. Waa maalin mudan in loo duceeyo intii ku geeriyootay halgankii dheeraa ee dalka loo soo maray. 18May waa maalin mudan in laga farxiyo agoontii iyo dumarkii ay ka tageen halgamayaashaasi. Ma soo koobi karno qiimaha ay maalintani ugu fadhido qarankan, iyo muhiimada ay leedahay.
Somaliland waxay leedahay laba taariikhood. Taariikhdii ka horeysay 1991kii dibna ugu noqonaysa ilaa wakhtigii xornimada laga qaatay gumaystihii Ingiriiska 26kii Juun 1960. Taariikhda labaad ee Somaliland ayaa ah tan hadda socota kana soo bilaabaysa wakhtigii dib loola soo noqday xorriyadii luntay 1960kii.
Wakhti badan ku lumin inaynu ka sheekayno duruufihii hore iyo wixii ka horeeyay 1991kii, balse waxaynu is dultaagi doonaa xaaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay tan iyo 1991kii.
Somaliland waxa lagaga dhawaaqay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii. Waxa Burco iskugu yimi oo go’aankanna wada qaatay dhamaan beelaha Somaliland oo ay ku jiraan kuwii aan ka qayb qaadan halgankii dib loogu soo xoreeyay Somaliland. Shirweynahan Somaliland lagu guddoonsaday wuxuu sidoo kale noqday kii ay beelaha Somaliland si rasmi u iskugu saamaxeen isla markaana iskula qaateen in loo wada midoobo sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa. SHirkan waxa hormood u ahaa oo hagayay xubnihii Jabhaddii SNM, iyo golihii guurtida. Waxa iyaguna lagu casuumay oo door muhiim ah ku lahaa madaxdhaqameedkii beelaha darafyada ee Somaliland, iyo siyaasiyiinytii aan SNMta ku jirin.
Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee waxa wakhtigaa ahaa gudoomiyihii SNM marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxaana ku xigeen u ahaa Xassan Ciise Jaamac oo isagu haatan nool. Waxaynu wax ka soo qaadan doonaa khubdadii ay shirkaa ka jeediyeen Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Ilaahay ha u naxariistee marxuum Ibrahim Maygaag Samatar oo wakhtigaa ahaa guddoomiyihii golaha dhexe ee SNM.
Barnaamijkan oo noqon mid taxane ah oo aanu kaga qayb galayno xuska 18ka May waxa uu si taaxane ah ugu soo bixi doonaa wargeyska FOORE. Waxaynu barnaamijkan kaga sheekayn doonaa marxaladihii kala duwanaa ee dhinacyada nabadgelyada, dibuheshiisiinta, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka iyo dhinacyada horumarka ee ay Somaliland soo martay. Waxaynu sidoo ku soo qaadan doonaa hadaladii dhaxalgalka ahaa ee haldoorka Somaliland qaar ka mid ah.
=== Taariikhda guud ee somaliland casriyadii hore ilaa iminka == Taariikhdii bilawga ahayd ee casri jaahiligii
Somaliland waxay ku taal geeska Afrika, dhinaca Waqooyi galbeed waxa ka xigay deris la tahay dalka Jamhuuriyada Jabouti, galbeedna waxaa ka xiga Ethiopia, barina waxaa ka xiga somalia. Tirada dadka Somalilad waxaa lagu qiyaasaa 5 malyan iy badh. Baaxadda dhulka ay ku fadhido Somaliland waa 139,000 km2. Somaliland waxaa dhinaca waqooyiga ka xiga badda cas oo ku fadhida xeeb dhererkodu yahay 908 km2.
Somaliland oo leh taariikh aad u balaadhan dadkuna aanu wada aqoon. Waxay kamid tahay meelaha ugu horraysay ay ka hana qaaday ilbaxnimada adduunku. Dadka taariikhda ku xeeldheeri waxay sheegeen in farraaciintii hore asalkoodu Somali kasoo jeedaan. Deganaana jireen dhulka xeebaha badda cas, taasoo markii danbana ay xidhiidh qoto dheer la lahaayeen Somaliland. Waxaana xaddaaradda Somaliland ku simantahay ilaa 7000 sanadood ciise hortii.

Diinta islaamka iyo saamaynta ay kulahayd somaliland

Markii diintu soo degtay qarnigii 7aad, geeska Afrika waxay noqotay meel aad u muhiima markii uu muslimay boqorkii Xabashida ee Nataashi. Waxaana xeebaha Somaliland ahaayeen meel istiraaji ah oo asxaabtii usoo xijrootay.
Qarnigii 13naad waxaa culimadii carbeed ee dalka timid kadhiseen saldanad la odhan jiray Bebad oo ay xukumi jirtay boqortooyadii Walaashma. Waana markii koowaad inta taariikhda lagu hayo qabaa'ilkii Somalidu yeeshaan maamul dhexe.
Somaliland waxaa ay kamid tahay bariga Afrika marka laga yimaado Itoobiya dalkii ugu horreyey ee ay ka hanaqaaday maamul dawladeed, inkastoo aan runta laga sheegin taariikhda dhab ah ee Somaliland haddana waxaan muran ku jirin in Somaliland qarnigii 15naad ay lahayd dawlad dunida laga ictiraafsanyahay gaar ahaana markii uu hoggaanka qabtay Immam Ahmed Qasali( Guray). Maamulkaas oo markii danbe la magac baxday dawladii Awdal. Xukumina jirtay inta u dhaxaysa xeebaha badda cas ilaa Herer.

Soogelitaankii gumeestihii reer yurub


Ciidamada somaliland Xiligii Gumaysiga.
Sannadkii 1869kii ayaa waxaa la furay marinka kanaal Suways oo taasi ku dhiirigelisay gumaystayaashii reer Yurub ee Afrika qaybsaday 1884 shirkii Barlin.
Waxaana la aamisan yahay in Somaliland oo ahayd dal ku fiican dhinaca istiraajiyada oo isku xidhaayey bada cas iyo bad weynta India. Haddaba salaanka gumaystayaasha ee Somaliland waxaa uu kawsaday 1839kii markii Ingiriisku qabsaday magaalada xeebta ah ee Cadan.
Sannadkii 1827kii ayaa Captain Bermer oo ahaa badmareen ingiriis ahi yimid Somaliland oo uu xidhiidh la yeeshay odayaashii dhaqanka ee Somaliland. Lugtii ay lasoo galeen gumaystayaashu Somaliland waxay dhaafi kari waayeen xeebaha waxaana usuuroobi wayday inay waddanka horuu galaan intii ka horraysay Captain Sir Richman Burton. Mr. Burton wuxuu galay gudaha dalka waxaanu tagay dhulka miyiga ah, waxaana uu sanadii 1854kii lug kumaray xeebta Berbera ilaa magaalada Herar.
Hadaba Boqortooyadii Engiriiska waxay yimaadeen xeebaha Somaliland. Ingiriisku dhowr jeer buu heshiisyo kala duwan la saxeexday odoyaashii Somaliland. Waxanaa ugu caansan heshiiskii hargaha ee sannadkii 1887kii oo heshiisyo la saxeexdeen odoyaashii Beelaha Somaliland.
Sannadkii 1899kii waxaa bilawday kacdoon iyo dhaq dhaqaaqyo lagaga soo jeedo gumaysigii ingiriiska. Waxaana guluf iyo dagaal dhexmaray ciidamadii Sayidka ee daraawiishta iyo dawladdii Ingiriiska . Ugu danbayna waxaa la jebiyey Mohamed Cabdulle Xasan sannadku markuu ahaa 1920kii.
Waxaana halkaas kasii anbaqaaday halgamaayaashii Shiikh Bashir iyo Farah Omaar usoo halgamay xornimadii aan qaadanay lixdankii. Waxaana dalka ka bilwaday kacdoon gobonidoon dagaalkii labaad dabadiisii.

Xoriyadii 1960 iyo wixii kadanbeeyay

Dawlada Ethiopia ayaa waxay qorshaynaysaa sidii ay u aqoon san lahayd somalailand
Bishii febraayo 1960kii ayaa wafdi uu hoggaaminaayo Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u anbaxaxeen dalka Ingiriiska, waxaana heshiis ay la soo galeen dawladdii ingiriiska in Somaliland xirnimo buuxda lasiiyo.
26 Juun 1960kii bay markii maxmiyadii ingriiska ee Somaliland "British Somaliland protectorate" xornimadeeda ka qaateen dawladii Ingiriiska,sida aan la socono intii ka horraysay 01 Luulyo 1960kii Somaliland waxay ahayd dawlad gooniya( indepedent state). waxayna noqdeen dawlad madax bannaan oo la aqoonsan yahay ilaa 01 Luulyo 1960kii. Isla maalintaas Koonfurtu xorayday ayaa labada dal midoobeen inkastoo midawgaas mad madaw badani ku jiro. Dad badanina u haystaan in midowgaasi ahayn mid sharciya.

Shacabka reer somlialnd oo markiiba dareemay in khiyaamo jirto

Dadka reer Somaliland waxay midow ku sheegaas doonayeen inay kaga dhabeeyaan riyadoodii ahayd in la sameeyo dawlad salbalaadhan oo ay kasoo qayb galaan wixii afsoomali ku hadlaa meel kastoo ay joogaanba. Laakiin waxaa markiiba beenawday riyadaas, dadka reer Somalilandna waxaa la duudsiiyey xuquuqdii wadaniyeed ee ay lahayeen.
Dadka reer Somaliland oo markiiba dareemay in la khiyaamay oo isla markiiba bilaabay inay xornimadooda kala soo noqdaan reer koonfureedka, waxaad arkaysaa suugaantii markii hore kuwada baaqaysay midowga iyo Somalinimada oo marqudha isu badashay inay sheegaan sida lookhiyaameeyey. Wuxuu yidhi Cabdillahi Suldaan Timacade( alla haw naxariistee) tix uu arrintaas kaga hadlayaayey waxaa kaimd ahaa beedkeedii DUQAYDII BARLAMAANKIYO DEKADIIBA WAA XAMAR.
Waxaa kale oo Qaasim oo ka mid ah abwaanada Somaliland yidhi maanso ay ka mid ahaayeen eraydan:-
  • ISMA DOORIN GAALKAAN DIRIYO, DAARTA KII GALAYE
DUSHA MIDABKA SOOMALIMAAD, DUGULKA MOODAAYE MISNA LAGUMA DIIRSADO, EE QALBIGU WAA DIRKII KARALE MEESHAAN DAD IISOO KORDHIYO, DARAJO EEGAAYEY IYABA WAA DARXUMO II DHIMANE, DACAR MIYAAN LEEFAY MA DORRAATO RAADKAAN DHIGAAN, DIBUGU SOO LAABTAY SIDII AAN DAYEYNAHAY MIYAAN, DAWGII KA HABAABAY
Bishii Luulyo1961kii waxaa dadka reer Somaliland gaashaanka ku dhufteen oo cod aqliyad ah ku diideen distoorkii qeexayey ee lagu sharciyeynaayey israaca labada dal ee Somaliya iyo Somaliland. Laakiin nasiib darro dawladdii markaas jirtay oo reer Koonfureedka ahayd waxay diideen inay aqoonsadaan maxsuulkii doorashadaas sababtoo maslaxad baan ugu jirin arrintan.
Bishii december 1961 waxaa madaxdii ciidamada qalabka sida ee Somaliya isku dayeen inay dhigaan inqilaabkii dhicisoobay. Inqilaabkaasna waxay doonayeen inay kula soo noqdaan madaxbannaanidii luntay.
1967kii waxaa dalka ka noqday raysal wasaare Mohamed X.Ibrahim Cigaal. Halka uu madaxweynaha ka noqday Cabdirashid Cali sharmake. 15 Oktober 1969kii waxaa magaalada laascaanood lagu dilay madaxweynihii Jamhuuriyadda Somalida ee Cabdirashid Cali Sharmaake.

Inqilaabkii 21 oktober iyo wixii kasoobaxay

Waxaana midnimadii 60kii guul darro ku dhamaatay markii 21 Oktober 1969kii uu dalka ka dhacay inqilaab aan dhiig ku daadan ee ay dhigeen ciimada qalabka sidaa, waxaana talada la wareegay ciidamada oo uu hoggaaminaayo Gen. Mohamed Siyaad Barre.
10 januari 1970kii waxaa kelidii taliyihii Siyaad Barre sameeyey maxkamadii badbaada oo xukumi jirtay xukunka dilka si looga takhaluso dadka aan taageersanayn madaxweynaha.
21 Oktober 1970kii wuxuu Siyaad Barre ku dhawaaqay in Somaliya qaadatay nidaamka hantiwadaaga cilmiga ku dhisan. Taasoo rabay inuu ugu bedelo inqilaabkii hab ku salaysan dhaqaaq siyaasadeed oo ku salaysan aydhiyooliyadda hantiwadaaga. Waxaana loo ololeeyey wixii loogu magacdaray kacaankii hantiwadaaga Somaliyeed.
Xagaagii 1972kii waxaa la sameeyey ciimadii guulwadayaasha oo ujeedadoodu ahayd inay cabudhiyaan oo xabsiga u taxaabaan dadka shacbiga ee lagu tuxmo inay kacaan diid yihiin.
July 1972kii waxaa la dilay labadii Jenaraal ee Salaad Gabayle, iyo Mohamed aynaanshe oo ka tirsanaa saraakiishii inqilaabka dhigay. Salaad gabayle wuxuu ahaa madaxweyne ku xigeen. Waxaa lagu xukumay dil ka dib markii lagu eedeeyey inay maleegayeen shirqool ay xukunka kaga tuurayaan Siyaad Barre.
Oktober 1972kii waxaa lagu dhaqaaqay in la qoro Af-soomaliga oo uu noqdo luqadda rasmiga ah ee dalka.
1972kii-1975kii waxaa la qaaday ololihii barashada qorista Somaliga oo markii danbana isu rogay olalihii horumarinta reer miyiga ee la rabay in dadku waxna qoraan waxna akhriyaan.
1975kii waxaa la sameeyey 15 gobol oo cusub oo lagu bedelayeey 8 gobol ee hore u jiray. Waxaana ay ka koobnaayeen 78 degmo. Somaliland oo ka koobnayd 3 gobol looma samayn gobolo iyo degmooyin cusub toona. 1975kii Siyaad Barre wuxuu shaqadii ka eryey 50 saraakiil sare iyo madax ah oo badankooda ka soo jeeda Somaliland, waxaana uu ku bedelay dadka uu ku tuhmaayey inay taageersanyihiin kacaanka oo u badnaa caa'iladiisa ah. M.s.bare wuxuu ku dhawaaqay inay raga iyo dumarku siman yihiin culimadii iyo dhalinyaradii kasoo horjeedsatayna laayay dhamaantood.
1977kii maamulkii siyaad Barre wuxuu weerar ku qaaday dalka Itoobiya, waxaana markii hore uu ku guulaystay dagaalkaas. Laakiin waxaa dagaalku dhamaaday markii ciidamo Ruush iyo Kuubaan ahi usoo gurmadeenItoobiya ee ay si toosa dagaalka usoo galeen. Waxaana ciidamadii Somaliya dibuga soo noqatay dhammaan dhulkii horuu qabsadeen.

Dibulasoo noqoshaddii qaranimada

27 Jannayo 1991 ayaa ciidamadii SNM gacanta ku dhigeen dhamaan dalkii hore loo odhan jiray Somaliland. Dabadeedna madaxdii SNM waxay ka shaqeeyeen inay heshiiyeen oo beelihii walaalaha ee ay iska horkeentay dawladii hore ee Siyaad Barre.
18 Mey 1991 shirbeeleedkii ka dhacay magaalada Burco ayaa lagu go'aansaday lagagana dhawaaqay gooni isu taagga qaranimada Somaliland.

Madaxweyneyaasha Somaliland Soomaray

Madaxweyneyaashii Somaliland madaxwaynayaasha somaliland soomaray ilaa hada waa afar
Madaxdii somaliland Oo ay kujiraan madaxdii dhimatay ilaahay ha u naxariistee

Gobolada somaliland


gobolada somaliland
Somaliland waxa ay ka koobantahy gobolo badan waxa u gu wayn gobalada somaliland gobolka sanaag gobolada somaliland waxa ay kalayihiin sidan.



No comments:

Post a Comment