Sunday, February 19, 2017

TAARIIKHDA SOMALILAND OO KOOBAN




 
Faaiidada uu qofku ka helo waayo-aragnimada mudadii uu soo jiray, mid u dhiganta ayay umaduhuna ka helaan cibrooyinka taariikhdii soo martay. Bal aynu yara dabagalno  doodihii ugu horreeyay ee Golihii sharci dejinta Somaliland ee la soo doortay 17 feb, 1960, ka yeeshay midaynta Somaliland iyo Somalia, tiiyoo la tixraacayo qoraalada taarkiikhiga ah ee ka muuqda diiwanadii iyo faylalkii lagu qoray  go’aanadii  Siyaasadeed ee madaxdii iyo xildhibanadii ka talinayay dalka  Somaliland  iyo qoraaladii wargeysyadii ka soo bixi jiray dalka Somaliland sanadkii 1960.


Xafiiska lagu kaydiyo qoraalada taariikhda ee ku yaala magaalada London, loona yaqaano ‘Public  Record office’, ayaa sannad kasta lagu soo bandhigaa qoraaladii sirta ahaa marka ay u dhammaato 30 sano  mudadii ay qoraaldaasi ka qarsoonayeen  indhaha  dadweyanaha. Bisha January ee sannad kastana waxaa xafiiskasi u baratama aqoonyahanada taariikhda raadraaca iyo weriyayaasha warbaahinta si ay u milicsadaan sirta cusub ee la soo bandhigay. Bishii January  ee sannadkii 1991 ayaa la soo bandhigay  sirihii soddonka sano qarsoonaa oo ay ka mid ahaayeen dhacdooyinkii siyaasiga ahaa ee dalka  Somaliland  ka socday sannadkii 1960.

Waxaa qoraalada la soo  bandhigay   ka mid  ahaa  saddex fayl oo buuxsamay kuna Magacaaban “Union of  Somaliland and Somalia.” Waxaa kale oo ka mid ahaa sirtaasi la soo  bandhigay diiwaan weyn oo lagu magacaabo “Minutes of legislative council 1960.” Kaasoo ay ku qoranyihiin hadalladii xildhibanada Golaha Sharcidejinta Somaliland ee Fadhiyadii  Golahaasi yeeshay sannadkasi .

Waxay qoraladaasi xusayaan mudanyaashi Golihii Sharcidejinta ee Saddexaad, lana soo doortay 17 kii bishii Feb, 1960, inuu fadhigoodi ugu horreeyay qabsomay 5tii  Bishii April ee sannadkii 1960, kuna qabsoomay qolka  Shirarka ee Goluhu ku lahaa goobta maanta  aynuu  u naqaanno  “Goodirka” ee Hargeysa.

Kulankaasi  waxaa ka soo qaybgaly 36 xubnood oo ka mid ah Golaha sharcidejinta. Waxay 33 ka mid ahi ahaayeen xildhibanaadii ku guulaystay doorashadii 17 Feb, 1960 ka qabsoontay dalka kana kala socday xisbiyada  SNL. USP iyo NUF  oo ay ka mid yihiin 4 wasiir iyo hal wasiir ku xigeen.  Saddexda kalena waxay  ahaayeen xubno Ingiriisa oo wasiirro ah kana tirsanaa Xukuumadda Somaliland. Waxaa kale oo isna fadhiyay kulankaasi Badhasaabkii  dalka Somaliland ka talinayay.

 Ugu horreyn, Badhasaabkii Somaliland, Sir Douglas Hall, ayaa khudbad aad u dheer ku  furay shirkii ugu horreeyay ee Golahaasi la soo doortay yeesho. Taasoo uu kaga hadlayo barnaamijka hawlqabad ee dawladda uu madaxda ka yahay iyo qorshaha dhow ee mustaqbalka. Waxaa xigay in la dooorto, loona codeeeyo ku-xigeenka shirgudoonka, taasoo oo uu ku guulestay Jaamac Cabdillahi Qaalib ( Ina diir qadhaadh).

Kadibna waxaa la gudogalay  soo jeedintii ajandaha ugu horreeyay ee Goluhu ka doodi doono oo uu soo jeediyay  xildhibaan  Maxamuud Biixi (Shuuriye) oo ka  tirsanaa xisbiga S N L  lagana soo doortay degmo doorashada Baanka ee magalada Hargayesa. Wuxuuna yidhi “  Ajandahan oo ah “Xornimo iyo Midnimo” waa mid ay ku soo heshiiyeen xisbiyada aqlabiyada ku leh Golahani ( SNL iyo USP), inuu noqdo ajandaha ugu horreeya ee Golahani ka doodo. Tiiyoo la filayo in Somalia ay dhowaan qaadan doonto xornimadeedii, haddii isla maalin ahaantaasi dalkanina (Somaliland) la siiyo xornimadiisa waxaa suurtogelaya in mushkiladihii midnimadu yeelan lahayd ay meesha ka baxayso….…..Waxaa la gaadhay xilligii aad dawladda Ingiriiska ku talo siin lahaydayn in Soomaalida la siiyo xornimadeeda.

Soomaalidu ma aqoonsana xuduudahan maanta jira. Waxaanay u haystaan inay yihiin qaar been ah oo kala qoqobaya. Dhamaan dhulka ay somaalidu deggantahay waa dal keliya oon la kala jarjari karin. Sidaasi awgeed waa in dalkani la siiyo xornimadiisa kowda bisha Julay oo ku beegan maalinta Somalia xornimadeeda qaadanayso, si isla maalintaasi ay u wada suurto galaan xornimada iyo midnimadu.”

6dii bishii April ee 1960,  ayay dodaani  si kulul uga dhex socotay Golahaasi  Sharci dejinta. Waxaa hadaba is waydiin mudan sababta laba arrimood  oo kala duwan looga dhigay ajande keliya . Waayo  midi waxay ku saabsantahay Madaxbanaanida Somaliland oo Ingiriisku gacanta ku hayey? Ta kalena waa arrin ku saabsan  midowga dhex mari doona Somaliland iyo Somaliya .

Waa laba arrimod oo kala duwan oo mid waliba yealan karto doodeeda u gaarka ah. Hadana  wuxuu Goluhu  go’aansaday inay  labadaasi arrimood ee kala duwani noqdaan ajande keliya,  loogana doodo si wadajir ah tiiyoon la kala qaadin.  Marka la dhuuxo qoraalada, lagana baaraan dego  doodaasi iyo  hadaaladii xildhibaanadii  doodaasi  ka qayb galay soo  jeediyeen, waxaa inoo muuqunaya sababta Goluhu iskugu dhafay  labadaasi arrimood, ugana dhigay ajande kaliya.

Sida ku qeexaan qoraalada diiwaanada hadalada xildhibaanada Somaliland ee doodaasi ka  qayb galay waxay dhammantood u arkayeen  in madaxbanaanida Somaliland iyo la midowga Somalia yahay arrin keliya oo isku dhafan, habboontahayna in aan  gooni gooni looga kala doodin. Taasoo ay xildhibaanadu si cadaan ah oo marag ma doon ah u qeexayaan in madax banaanida Somaliland iyo midnimada ay Somalia la yeelanayso ay wada dhacaan maalin keliya oo ku beegan Kowda Bisha Julay ee 1960. Waxayna ugu muuqatay in haddii midkood la waayo ka kalena aanu  jirayn .

Tiiyoo aynaan halkani ku soo wada koobi karin hadaladii xildhibaanada oo idil, nuxurka hadaladooduna yahay mid meel u wada jeeda oon wax khilaaf ahi ku dhex jirin, hadana tusaale ahaan aan soo qaadanno fikradihii ay xildhibaanada Somaliland rumaysnaayeen tiyoo aynu tixraacaynno hadaladii dhowr xildibaan oo xisbiyada kala duwan ka socda:

Ugu horreyn waxay xildhibaanada Somaliland doonayeen in Soomaali oo idili yeelato dawlad keliya. Xildhibaan Ibraahim cismaan food( Basbaas) oo ka tirsanaa Xisbiga SNL, lagana soo doortay degmo doorashada Cadaadley  oo arrintaasi qeexayaana wuxuu yidhi “ Soomaalidu ma doonayso shan dawladood oo kala goon gooniya. Xataa laba dawladood oo keliya ma doonayso. Waxay Somalia qaadanaysaa xornimadeeda kowda bisha Julay. Waxaanuna rajaynaynaa in aanaan annakuna maalintaasi dib uga dhicin.”

Waxaa kale oo ay rumaysnaayeen in xornimada Somaliland iyo midnimada Somalia maalin keliya noqoto. Xildhibaan Xaaji Ibraahim Nuur oo ka tirsanaa xisbiga USP lagana soo doortay degmo doorashada Dila oo arrintani qeexayaa wuxuu yidhi “ Waxay Soomaaliya qaadanaysaa xornimadeedii kowda bisha Julay, annakuna waa in aanu maalintaasi qaadanaa xornimadayada si ay u suurtogasho in  isla maalintaasi aanu midowno”

Waxaa kale oo ay rumaysnaayeen in midnimada Somaliland iyo Somalia u horseedayso midnimada shanta Soomaaaliyeed. Xildhibaan Michael Mariano oo ka tirsanaa xisbiga NUF lagana soo doortay degmo doorashada Ceel Afweyn oo arrintaasi qeexayaa wuxuu yidhi: “Soomaali oo idil ayaa sugaysa midowga labada dale e Somaliland iyo Somalia. Waxayna midnimada labadaasi qaybood u horseedi doontaa sidii shanta soomaaliyeed oo idili u midoobi lahayd.”   

Hadaladaasi waxay ahaayeen dhowr tusaale oo aan ka soo qaatay doodii 6da April ee mudanayaashii laga soo doortay Somaliland. Waana mid diiwaanada ay ka muuqato inay dhammaantood doonayeen xornimo iyo midnimada Somalia.

Bal aynu haatanna eegno aragtidii xubnihii Ingiriiska ee kulankaasi fadhiyay. Phillip Carrel oo ahaa Chief Secretray wuxuu yidhi isagoo ka jawaabaya hadaladaasi ay xildhibaanadu halkaasi  ka jeediyeen “ Shaki igagama jiro in ay dadka ku nool Somaliland doonayaan inay la midoobaan Somalia. Waxaanan hubaa in dawladda Ingiriiskuna  ku taageeri doonto himiladooda. Laakiin bishii u danbaysay ayay dadka gashay jibbo weyn oo ay ku doonayaan in ay la midoobaan Somalia kowda bisha julay oo ah islamaalinta dalkaasi qaadanayo xornimadiisa.

Ilaa iyo hadda wax wada hadal ah oo arrintaasi ku saabsan oo labada dal (Somaliland iyo Somalia) ka wada yeesheen ma jirto. Waxaana jira arrimo badan oo u baahan in laga wada hadlo inta aan la midoobin ka hor. Ugu horreyn waa in labada dal ku heshiiyaan distoor ka wada dhexeeya. Si loo ilaaliyo xuquuqda iyo danaha dadka heshiika wada gelaya oo idil waa in arrintani laga gaadhaa heshiis ka hor intaan la midoobin.

Sidoo kale waa in laga heshiiyaa, sharciyada doorashada, qaabka dawladdu noqonayso, afka rasmiga ah, habka cashuuraha, lacagta la isticmaalayo, mushaharka shaqaalaha dawladda iwm. Waxaasi oo idili waxay u baahanyihiin in dad khubaro ah loo xilsaaro si ay u darsaan ugana soo talo bixiyaan. Si dawladda midnimadaasi ka dhalataa ay u noqoto mid ku taagan dhidibbo adag.”

Isagoo sii wata hadalkiisii wuxuu yidhi “ Arrinta ugu daran ee u baahan in laga tashado waxay tahay arrinta Hawd iyo Reserve area. Maalinta aad xornimada qaadataan ee ay midnimadu dhacdo, waxaa dhammaanaya xilkii Ingiriiska ka saarnaa Maxmiyadda Somaliland. Haatanna dawladda Ingiriiska ayaa bixisa Kharashka ku baxaya Hawd iyo Reserve Area. Haddii aan heshiis cusub laga gaadhin hawlaha halkaasi ka socda oo dhan ayaa joogsanaya.

Taasoo ah in heshiiskii Etoobiya lala galay 1954 uu noqonayo mid dhammaaday. Inkastoo heshiiskaasi aan ogahay in aydaan jeclayn hadana dadka reer Somaliland ayuu u suurtogeliyay maamul xuquuqdooda ilaaliyaa inuu halkaasi joogo marka ay u tallaabaan dhinaca Hawdka. Haddii aan heshiis cusub lala gelin Etoobiya waxaa meesha  ka baxaya maamulkii ilaalinayay xuquuqda dadkaasi. Ilaalada halkaasi joogta oo idil ayaa loo soo rari dhinaca Somaliland, mana jiri doonto cid kala ilaalisa beelaha diriri ka dhex aloosanto. Mana helayaan taageero waxbarasho iyo mid caafimaad toona.”  

Ugu danbayntii ayuu Douglas Hall, badhasaabku,  khudbad dheer jeediyay, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii: “Anigu dawladda Ingiriiska ayaan u gudbin doonaa sida dadka reer Somaliland u doonayaan xornimo iyo midnimo. Hase ahaatee waxaa idin saaran xil weyn oo ah in aad gudataan waajibaadka ay idinku leeyihiin dadkii idin soo doortay oo ah in aad ka ilaalisaan dhibaatooyinka ay ku keeni karto midnimo aan loo dhammaystirin hawlihii lagama maarmaanka u ahaa, oo si fudud oo degdeg ah loo galay”. Wuxuuna ku soo gunaanaday hadalkiisii “ Waxaan idinkula dardaarmayaa: khatar ha gelinina mustaqbalka dadka iyo dalka Somaliland”  

Marka qoraalada diiwaanada ee xildhibaanadii halkaasi ka dooday loo fiirsado waxaa muuqanayaa in Goluhuu u kala qaybsanaa laba dhinac oo is fahmi la’, kala rumaysnaana laba fikradood oo kala duwan. Fikrad waxaa rumaysnaa xildibaanada Somaliland laga soo doortay oo doonayay in la siiyo xornimo maalinta kowda Julay oo ku beegan maalinta ay Somalia xornimadeeda qaadanaysay, si islamaalintaasi ay u suurtogasho xornimo iyo la midowga Somalia.

Taasi oo ay doonayeen si labadani dal ee midoobay ay u noqdaan gundhigii u horseedi lahaa midnimada shanta Soomaaliyeed. Hase ahaatee marnaba kamay hadlin sida hawlaha lagama maarmaanka u ah midnimada ay u sii diyaarinayaan ama ugu hawlgalayaan.

Fikradda labaadna waxaa rumaysnaa xubnaha Ingiriiska ah oo ku doodayey in ka hor intaan lala midoobin Somalia laga wada hadlo laguna heshiiyo qaabka midnimada labada dal noqonayso, tiiyoo midnimada ka hor loo baahanyahay in la sii lafa guro, lana derso hawlaha labada dal ku kala duwanyihiin, arrimahaasina loo saaro khubaro ka soo talo bixiya. Kadibna laga gaadho heshiis labada dhinac oggolyihiin.Waxaa kale ooy rumaysnaayeen in labada dhinac mid waliba gooni ahaanteed ay marka hore u noqoto dawlad madaxbanaan kadibna labada dawladood ka wada hadlaan arrimaha midnimada heshiis laysla ogyahayna ka gaadhaan.

Qalinkii Cabdirisaaq Caqli

Agaasimaha Xarunta Taariikhda iyo Dhaqanka Somaliland

2 comments: